Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Golaha Wasiirada sidee ku magacaabi karaan taliyeyaasha ciidamada? (Faaqidaad sharci darro)

    Golaha Wasiirada sidee ku magacaabi karaan taliyeyaasha ciidamada? (Faaqidaad sharci darro)

    April 30, 2015Updated:May 8, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta looga dhawaaqay in Golaha wasiirada ay magacaabeen Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Asluubta ee dalka. Shirka uu uu guddoominayay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaa dood badan ka dhalatay labada shaqsi ee xilalka loo magacaabay, iyadoo xubnaha Golaha Wasiirada ay beel ahaan fikirkooda ku saleynayeen,

    DastuurG

    Waxaa si rasmi loogu dhawaaqay in:

    Taliyaha ciidamada Booliska loo magacaabay Jen. Maxamed Sheekh Xaamud

    Taliyaha ciidamada Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

    Dhacdadaasi kadib Warbaahinta Qaranka ku soo baxay warkan oo cinwaankiisu yahay:

    War-radioM

    Haddaba Wadani.com waxay dib u eegeysaa sharcinimada tallaabada ay qaadeen Golaha wasiirada, waxaana marka la fiiriyo Dastuurka KMG ah ee dowladda ku dhisan tahay ay noqoneysaa magacaabidda Golaha wasiirada mid sharci darro ah, maxaa yeelay magacaabidda Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida waxaa xaq  u leh Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorka Golaha wasiirada wuxuu ku kooban yahay talo soo jeedin sida uu dhigayo qodobka 90-aad ee Dastuurka faqradiisa (C).

    dastuurM

    [ad name=”HTML-1″]

    Arrintan waxay ahayd tii salka u ahayd khilaafkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed kadib markii Golaha Wasiirada ay xilka ka qaadeen Taliyihii Nabadsugidda ee xilligaasi C/laahi Maxamed Sanbaloolshe. Awoodaha madaxweynaha iyo Golaha wasiirada waa kuwo wada shaqeeya oo isku xiran, xitaa haddii ay isaga raali yihiin labada dhinac waxaa muhiim ah in sharciga la raaco oo dhinac waliba doorkiisa qaato.

    Madaxweyne Xasan Sheekh waxaad moodaa inuu ka tanaasulay qaar kamida awoodihiisii isagoo ku mashquulsan ama maroorsaday awoodo kale oo aanu dastuurku siin oo qaarkood ay xitaa leeyihiin agaasimeyaal. Waxaa kaloo la yaab leh in Gole Wasiiro oo ka kooban in ka badan 60 xubnood oo sharci yaqaano ku jiraan inay ku dhawaaqaan:

    GOLAHA WASIIRADA OO MAGACAABAY TALIYEYAAL CIIDAN

    Haddii meel la iska dhigo in Madaxweynaha ogyahay ama raali ka yahay tallaabadan ay qaadeen Golaha wasiirada, waxaa sharci darro ah in sidan loo dhigo arrintan waxayna sida toosani ahayd in la yiraahdo:

    GOLAHA WASIIRADA OO SOO JEEDIYAY IN LA MAGACAABO TALIYEYAAL

    Arrintu si kastaba ha ahaatee waxay xaaladan iyo kuwo kale oo la mida sida in GOLAHA WASIIRADA OO MAGACAABAY DANJIREYAL marka aad maqasho aad ogaaneysaa in wax waliba isku qasan yihiin oo kuwii sharciga ay dhigteen ilaalin lahaa ay jebinayaan, Madaxweynaha oo xilka ugu horeeya ka saaran yahay ilaalinta Dastuurka uu ku dhaartayna kaga mashquulay arrimo kale.

    FAAQIDAAD: Wadani.com

    [ad name=”HTML”]

     

    [ad name=”HTML-6″]

    Dastuurka Golaha wasiirada Taliyeyaasha ciidamada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBankiga Dhexe oo digniin kasoo saaray lacag suuqa soo gashay (Ganacsato buuxisay kaalintii Bankiga)
    Next Article Kenya oo shaacisay sawirada xubno Alshabaab ah oo weerar u qorsheynaya Gobolka Xeebta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo