Iyadoo la galay maalmihii ugu danbeeyay ee Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa 15 May 2002, ayaa siyaasiyiinta kala duwan waxay kala taageerayaan musharixiinta ugu cadcad ee u tartamaya xilka Madaxweynaha.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka mida siyaasiyiinta muuqda ee ku jira ololaha doorashada ayaa taageeraya dib u doorashada Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna dhinaca kale weerar ku hayaa Musharixiin uu ka mid yahay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Waare oo dagaal siyaasadeed uu dhex maray isaga iyo xukuumadii Kheyre, kaasoo salka ku hayey arrimo dhaqaale oo Waare laga hor istaagay ayaa hadda ololihiisa doorashada inta badna ku weerarra Musharax Xasan Kheyre.
Dhinaca kale Wasiirkii hore ee waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa ka mid noqday taageerayaasha u loleynaya Mushrax Xasan Cali Kheyre, isagoo ku doodaya in waxqabadkiisii lasoo arkay intii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha ay ku filan tahay inuu noqdo Madaxweynaha.
Goodax ayaa sheegay in waxqabadka ugu horeeya ee Xasan Kheyre uu ahaa dib u habeynta ciidamada, cid kastoo sheegatana uu isagu xogogaal u ahaa, wax aad u weyn uu ka qabtay iyo arrintii deyn cafinta. “Haddii uusan isagu Ra’iisal wasare ahayn, ma jirteen cid haweysan karta in laga baxo ma jirto” ayuu yiri Goodax.
Sida C/llaahi Goodax Barre iyo Maxamed Cabdi Waare oo hal degaan kasoo wada jeeda waxaa jira siyaasiyin badan oo xildoon ah, lana kala safan musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
