Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo farageliyay muranka ka taagan arrimaha Xajka, iyagoo si faahfaahsan uga hadlay xaaladda xajka iyo dhibaatada is mari waaga ah ee ka taagan.
Qoraal Guddiga Baarlamaanka u gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay la wareegtay sanadkan arrimaha maamulk xajka, ayna soo kordhisay saddex shirkadooda oo aan heysan ruqsada Sacuudiga.
Waxay Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ugu baaqeen in xukuumada si dhaqso ah wax uga qabato arrimaha horyaal gudashada xajka ama ay dhici doonto in dadka Soomaaliyeed ay sanadkan awoodi waayaan gudashada waajibaadka Xajka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA