Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta hortegay Guddiga Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, iyadoo su’aalo laga weydiiyey arrinta dowladda Qatar lagu eedeeyay inay ku lug lahayd dowlada Qatar, sida ay qortay jariirada New York Times.
Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wasiir Cawad kula kulmay xarunta Baarlamaanak ee Villa Hargeysa, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey su’aalo fara badan oo guddiga ka weydiiyeen Shaqada Wasaaradda iyo tuhunka Dowladda Qatar ee qaraxyadii Boosaaso ka dhacay May 2019.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa sheegay in Wasiir Cawad uu uga warramay jawaabta ay dowladda Qatar ka bixisay tuhunka loo heysto oo ah inay beenisay wax lug ah oo ay ku leedahay, wasaarisdiisuna aanay jirin wax tallaabo kale oo ay qaadeyso, balse Guddiga uu u arkay in loo baahan yahay baaris arrintaasi lagu sameeyo,.
HOOS KA DAAWO