Guddiga Dib u eegitsa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa kalsoonidii kala noqday Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qebdiid) oo ka kooban lix qodob ayaa sabab looga dhigay tallaabada kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh oo la ogeysiiyay Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaliya, Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Wasiir Xoosh ayay Guddigu ku eedeeyeen inuu ka baxay wadashaqeyntii ay ka lahaayeen arrimaha Dastuurka, isagoo keligii isku koobay shaqada Dib u eegista Dastuurka, waxaana qoraalka lagu soo bandhigay arrimaha loo cuskaday hab-dhaqanka Wasiir Xoosh.
Waxay soo jeediyeen in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu Wasiir Xoosh ka qaado tallaabo sharciga waafaqsan, isagoo aan u qalmin xilka uu hayo.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA