Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa Shahaadooyinka u diiday laba ka mida xildhibaanadii lagu doortay magaalada Jowhar oo la laalay natiijadii Doorashadooda.
Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa xaruntooda magaalada Muqdisho shahaado ku siinaya xildhibaanada aan la isku heysan, waxaana Guddiga oo uu madax u yahay Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ay dib u soo celiyeen labada xubnood ee kala ah:
- Wasiirka Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux
- iyo Wasiir kuxigeenka Beeraha C/casiis Saalax Carmaan
Xildhibaanada la doortay ayaa markii la siiyo qoraalka caddeynta ah ee Guddiga Doorashada, waxay tegayeen Xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada, halkaasoo lagu diiwaan gelinayo lana siinayo Aqoonsiyadii rasmiga ah si loo dhaariyo.
Labada xubnood ee loo diiday shahaadada Guddiga ayaa ka mida 11 xildhibaan oo Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka ay laaleen natiijadii doorashooyinkooda, waxayna wararku sheegayaan in madaxda maamul goboleedyada ay dadaal ugu jiraan inay xildhibaanada la reebay aqoonsi u helaan.
Wadani.com