Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Guddiyada madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo kan Xuduudaha, iyadoo cod qarsoodi ah loo qaaday xubnaha ku jira guddiyadan oo xukuumadu soo magacawday.
Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa kulanka joogay oo ahaa 187 xildhibaan, waxaana saacado badan ay ku qaateen codeynta oo guddi waliba mar loo qaadayay, xubin kasta oo guddiga kamid ahna laga doonayay inuu helo 94 cod iyo wixii ka badan.
GUDDIGA DOORASHOOYINKA OO KA KOOBAN 9 XUBNOOD WAXAY CODADKA U HELEEN SIDA OO SOOCTA:
1. Siciid Xaashi Warsame, wuxuu helay 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu helay 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden, wuxuu helay 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu helay 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu helay 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu helay 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxay heshay 119 cod.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ahaa midka isha lagu hayay iyadoo xildhibaano badan ka horjeedaan xubno ay ka mid tahay Xaliimo yarey, inkastoo ay noqotay qofkii ugu codka yareyd haddana waxay heshay ansixin. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa olole weyn ugu jira in xubnahan la ansixiyo.
Guddiga xuduudaha ayaa sidoo kale ay Baarlamaanku cod u qaadeen, waxayna codadka u heleen sida oo socota
1. Muuse Waxgarad C/laahi
2. Liibaan Cali Sahal
3. Maxamed Muxyadiin Sh. Sahal
4. Dr. C/laahi Gacal Cabdi
5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim
6. Siciido Xasan Cusmaan
7. Xuseen Xaashi Xasan
8. C/khaaliq C/laahi Xamza
9. Khaliif C/kariin Maxamed
Labadan guddi ayaa ah kuwa ugu muhiimsan Hiigsiga cusub ee 2016, waxayna noqoneysaa tallaabo hore loo qaaday inkastoo waqti danbe ay timid.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]