Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay magaalada Asmara Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, kasoo ahaa kulankii ugu horeeyay ee dhex mara.
Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa sheegay inay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka wadahadleen arrimo dan u ah labada dhinac, isla markaana madaxweyne Farmaajo uuu raaligelin ka bixiyey dhiibistii C/kariin Qalbi-dhagax ee Itoobiya.
“Madaxweynaha wuxuu muujiyey inuu arrintaas aad iyo aad uga xun yahay, wuxuuna urur ahaan raali gelin naga siiyey arrintaasi, wuxuuna noo sheegay inay ahayd wax aan lagu talogalin…” ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA ONLF