Xaaladda siyaasadeed ee maamul Goboleedka Galmudug ayaa kacsan iyadoo qeyb ka mida Baarlamaanka maamulkaasi ay wadaan mooshino xilka looga qaadayo madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa hogaaminaya kacdoonka siyaasadeed ee ka taagan Cadaado, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada ay farageliyaan oo joojiyaan kulamada xildhibaanada qaarkood ku leeyihiin Cadaado.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mudane Xareed ayaa Qoraal codsi ah u diray Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo ka codsanaya in ciidamada AMISOM ee ku sugan Cadaado ay ilaaliyaan ammaanka xarunta Baarlamaanka Galmudug ku shirayo.

Qoraalka oo afka Ingiriiska ku qornaa ayuu Guddoomiye ku xigeenku sheegay inay ka war heleen in qas-wadayaal ay doonayaan inay carqaladeeyaan fadhiyada baarlamaanka Galmduug.
HOOS KA AKHRI QORAALKA
Wadani.com