Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban oo soo saaray natiijada Natiijada Dacwadii kursiga HOP045 oo doorashadiisa ka dhacday magaalada Baraawe.
Kursigan oo ay dacwad ka gudbiyeen Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed iyo Odayaasha Beesha qaarkood ayaa hore loo hakiyey Natiijadiisa, isagoo uu kusoo baxay 16-kii Febraayo 2022 Maxamuud Axmed Maxamed.
Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ansixiyey natiijada Kursiga, isla markaana aqoonsaday doorashadii ka dhacday magaalada Baraawe, waxayna fasaxeen natiijada kasoo baxday, taasoo soo gabagabeysay dacwaddii ka taagneyd kursiga, iyadoo Wasiir C/rashiid uu sidaasi ku waayey.
Kursiga waxaa hore ugu fadhiyey Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed oo hadda ay ku socota dacwad ku saabsan heshiis uu la galay shirkad Ajnabi ah oo ku saabsan Shidaalka Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO


