Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa laga sameeyay olole gurmad ah oo lagu ururiyay dhaqaale ka badan $100,000.
Waxaa ololaha ka qeyb galay Masuuliyiin Heer Wasiira, Culimo Awdiin iyo Dhammaan dadkii ku tukaday Masjidka Rowdo, iyadoo halkaasi yabooh loogu sameeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Muqdisho.
SIDA LACAGAHA LOO BIXIYAY:
Dahabshil: 30,000$
Golis ay 10,000$
Madaxweyne Gaas: 10,000$
Waxaa kaloo lacago bixiyay wasiiro ka tirsan Puntland Nabadoono, Dad Dibadda ku sugnaa, Shirkadaha Cabitaanada iyo Cuntooyinka Bosaso, Carwooyin iyo Shaqsiyaad kale.
Yabooha gurmadka ee laga sameeyay magaalada Boosaaso ayaa waxaa dadka soo jiitay wiil aad u yar bixiyay $10 iyo hooyo bixisay 1$ oo tiri; “Halkaas ayaa Xoolo iga dhaca Ee ii duceeya..”
Isha: Mohamed Salah