Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Xasuuqii Zoobe su’aashii Gurmadka ka dib nooga dhig!! [Maqaal jawaab u ah xildhibaan Mahad Salaad]

    Xasuuqii Zoobe su’aashii Gurmadka ka dib nooga dhig!! [Maqaal jawaab u ah xildhibaan Mahad Salaad]

    October 18, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxan jeclaystay inaan qodob-qodob u dul istaago dhaliisha Xil. Mahad Salaad ee aan waqtigeeda la  joogin qaarkeedna aan ka turjumaynin xaqiiqda jirta laguna marin habaabinayo gurmadka ay shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka aan saxiibka nahay la garab istaagayaan dhibanayaashii ay ku habsatay masiibadii ka dhacday Sabtidii hore Isgoyska Soobe.

    Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Qadiyad walba xiligeeda laga hadlaa” qofka waxaa fiican inuu misaan saaro marxaladaha lagu jiro ka  hor inta uusan wax amaanin ama uusan dhaliilin, waxaa jirta xili laguu dhago raaricinayo, lagugu amaani, ama lagaa abaal marin hadii aad soo jeediso dhaliil, balse nasiib daro dhaliisha uu qalinka u qaatay Xildhibaan Mahad Salaad oo cinwaankeedu “XASUUQII ZOOPE SU’AALO BADAN AYAA KASOO LAABTAY!” dhamaan dadkii fal-celinta ka bixiyey 90% waxay naqdiyeen qoraalkiisa kuna tilmaameen midaan xiligaan munaasab ahayn.

    Qodobada dhaliisha ah  ee Mahad Salaad ayaan mid mid u dul istaagayaa:

    1. Gurmadka Deg Dega ah: Waxaan ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta qaraxu ka dhacay, gawaarida dam-damiska ah iyo Ambalasyadu waxay goobta soo gaareen wax ka yar 30 daqiiqo, waxayna bilaabeen in ay daad gureeyaan dadka dhaawaca ah dabkana damiyaan,
    2. Ka hadlka dhacdada: Marka dowladu arinta ka hadlayso waxaa lagama maarmaan ah in ay hayso tirakoob sax ah, si looga fogaado is bar baryaacii horay u jiri jiray iyo kala hadlakii xiliyada qaraxyadu dhacaan, waxaa hadli jiray dowladihii hore. Afhayeenka Wasaarada Amniga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Booliska, waxayna sheegi jireen hadlo badan oo isburinaya, taas oo shacabka niyad jab u keeni jirtay, balse dowladu waxay go’aansatay in macluumadka la aruuriyo kadibna masuul loo xilsaaray uu ka hadlo. Arinta kale dhibka meesha ka dhacay baaxadisa ayaa sabab u ah in wax badan la ogaado.
    3. Tacsida madaxweynaha: Tacsi boog ma daaweyso kaliya waxaa ay muujisaa sida looga xun yahay waxa dhacay, madaxda qaranku waxaa dadaalkooda isugu geeyeen sidii loo ilaalin lahaa amniga, loogu gurman lahaa dadka dhibaataysan, wadamada saxiibka aa nahayna loo weydiisan lahaa gar gaar bani’adanimo. Taas ayaa ka muhiimsan tacsi lagu hormaro.
    4. Sheegida 30 oo dhimasho ah: Sida aan ku naqaano masiibooyinka noocaan ah waxaa markasta dhacda in khasaaruhu uu mar marka kale ka soo bato, kuna bilowdo tiro yar ilaa maalmo kadib la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay meesha.
    5. Gaariga wadadu soomaray: Inta Muqdisho joogta waa og yihiin wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida waaweyn iyo kuwa aya ka xiran tahay. Laga soo bilaabo Isgoyska Taleex ilaa Soobe iyo Banaadir ilaa wadada Xamar ka baxda waxaa ay u furnayd gawaarida waaweyn oo habeen iyo maalinba marta. Mana jirin sabab loola yaabo ama loo celiyo gaari weyn oo maraya wadadaas, waa sax in la is weydiiyo sababta loo soo baari waayey ee loo soo daayey, taasna waa isla xisaabtan hada socoda waana sugayna natiijada ka soo baxda baaritaanka.
    6. Gurmadka dadka: Taarikhda intii Xamar qarax ka dhacayey waa qaraxii aysan dowladu u kala harin madaxdeeda iyo maamulka gobolka Banaadir, heer waxaa madaxdu gaartay in galab iyo subaxba ay booqdaan isbitaalada, goobaha gurmadku ka socodo, qaabilitaanka wufuuda keenaysa gurmadka, daabulida dhaawacyada iyo iyadoo waliba hab maamus ahaan ay noo muuqatay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku soo dhaweynaya garoonka saraakiil caafimaad iyo wasiiro, isagoo u muujinaya ilaa xadka ay ku farax san yihiin gurmadka ay la soo gaareen, waxaa marna doorkiisa la inkiri karin Godoomiye Taibit oo habeen iyo maalin u taagnaa gurmadka iyo caawinta dadka dhibataaysan isagoo waliba shaqada gacmaha kula jiray oo qofna aan ku aaminaynin.

    Xildhibaan Mahad waxaan xasuusinayaa inuu ka mid ahaa madaxdii ka qayb galaysay xafladii 1 Luuliyo 2016, ee ka socotay gobolka Banaadir, halkaas oo heeso iyo ciyaaro kala duwan ka socodeen, halka qarax ka dhacay wax yar ka hor xaflada Hotel Naaso Hablood 1 ee ku yaala No. 4 ay ku naf waayeen 20 qof, intaa kabadan ku dhaawcmeen. Waxaa dad badan habeenkaas la murugaysnaayeen Wasiir Burci Xamsa oo ahaa Diwaankii Soomaaliya, qolkiisu ku dumaay aan Maydiikisa xataa laga soo saarin ilaa subixii danbe.

    Xildhibaane habeenkii xaalku ma kula saxsanaa, mase ka hadashay in aysan munaasab ahayn xafladayn iyadoo dhiiga shacbku quban yahay laamiga no, 4 gala, Wasiir dowlada ka tirsana  XFS wali meydkiisa aan laga soo bixin qolkiis oo  ku dumay.

    Mudane Xildhibaane ma xisaabin karno wax dhacay xiligaad masuuliyad weyn ka soo qabtay dowladii hore, galaangal badana aad u lahayd, walina amaan mooyee dhaliil kaamanaan maqal, fadlan isku day inaad qoraalada u badasho dhiiri galin dhanka gurmadka ah iyo wacyi galin bulsho, xiligii la is dhaliili lahaa lama joogo, fagaaryaal badan oo siyaasada lagu falanqeeyo ayaan naga horeeya ee fadlan qaybtaada ka qaado gubaabinta shacabka Soomaaliyeed si loo helo gurmad deg deg ah, mucaarad iyo mu’ayidna aan u wada jeesano samatabixinta walalheena dhibaataysa.

    By-Diraac Salaad Fagaase

    Dabaaldeg lagu qabtay Muqdisho iyadoo Meydad iyo dad nool ku hoos jiraan Hotelka Naasa-hablood

    Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ku dhintay weerarkii Naasa-hablood

    Jawaabta Mahad Salaad Mahad Salaad Qaraxii Soope
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGurmad lacag ururin ah oo laga sameeyay Boosaaso & Madaxweyne Gaas oo lacag ku deeqay [Akhriso]
    Next Article Five questions about the Somalia bomb

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo