Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Xildhibaan Mahad Salaad: Xasuuqii Zoope su’aalo badan ayaa kasoo laabtay! [Qormo kulul oo Siyaasadeysan]

    Xildhibaan Mahad Salaad: Xasuuqii Zoope su’aalo badan ayaa kasoo laabtay! [Qormo kulul oo Siyaasadeysan]

    October 17, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maalin Sabti ah 14 bishaan ayay ahayd markii weerar argagixiso oo taariikhda Soomaaliya aan horay usoo marin lagu qaaday Hoteelo, Meherado Ganacsi iyo Goobo kale oo bulshadu ku kulanto. Dhacdadaas xanuunka badan marka la’eego sida wax u dhaceen iyo qaabka Dowlada Soomaaliya ula falgashay bilowgii dhacdadaas argagaxa leh iyo sida hada la rabo in loo maareeyo baaritaanadii ay ahayd in lagu sameeyo xasuuqaas waxaa kasoo ifbaxaya su’aalo badan oo shaki abuuraya oo ku xeeran Xasuuqii Zoope!

    1. Markii qaraxu dhacay gurmad degdeg ah looma fidin dadkii dhaawaca ahaa si loo badbaadiyo nolashooda. Qaraxu waxa uu dhacay 3:15 galabnimo. Dab demiskii ugu horreeyayna waxa uu goobta qaraxa soo gaaray 4 saacadood kadib. Iyada oo in badan oo banaanada ku dhaawacmay iyo kuwii ay ku dumeen dhismayaashii ay ku qaylinayeen, na badbaadiya ilaa dabku jirkooda qabsaday kuna nafwaayeen halkaas!

    2. Maalin sabti ah 14/10/2017, saacadu markii ay ahayd 3:15 galabnimo ilaa habeen isniinta ah 16/10/2017, saacadu markii ay ahayd 12:23 habeenimo dowlada Soomaaliya kama hadlin sida wax u dhaceen iyo baaxada qasaaraha dadka soo gaaray inta uu la’egyahay. Madaxweynaha waxuu tacsiidiisa ugu horreeyay diray markii dadku kala seexdeen oo la dhaafay 1:00 habeennimo oo ku beegan axad 15/10/2017. Waxay dad badan farriimo u direen Madaxweynaha iyagoo xusuusinaya in dhacdadii Lasvegas ee dalka Maraykanka uu ka tacsiyeeyay laba saac gudahood (maadaama uu haysto dhalasho Maraykan ah)!

    3. Maalintii axadda ahayd 15/10/2017, warbaahinta dawlada iyo saaxiibadeeda Twitter ka iyo Facebook ga waxay ku celcelinayeen khasaaraha in lagu qiyaasayo ilaa 30 qof! Galabtii Axadda ayaa anagoo ah Xildhibaano katirsan labada gole ee barlamaanka waxaan tagnay qaar kamid ah hospitaalada magaalada Mogadishu, waxaanan la wadaagnay bulshada Soomaaliyeed in waxa meesha ka dhacay ay tahay MUSIIBO QARAN.

    Dhimashaduna kor u dhaafeyso 230, dhaawacuna cagacageynayo ugu yaraan 300. Xildhibaannada laba gole ee goobaha caafimaadka tagay ayaa dadaal dheer u galay inay ku qanciyaan madaxda dawladda baaxadda muusiibadan iyadoo habeenkii isniintu soo galeysay 16/10/2017 markii dadku kala seexdeen oo saacadu ahayd 12:23 habeennimo ay Xukuumadu soo saartay warbixinteedii ugu horreysay ee ay uga hadasho qasaaraha dadka shacabka ah soo gaaray inta uu la’egyahay!

    4. Sidoo kale qaraxu markii uu dhacday daqiiqado kadib wuxuu Twitter kiisa kusoo qoray Wasiirka Arimaha Dibada Qadar in weerarka lala beegsaday Safaarada Qadar, ayna soo abaabuleen dowladaha khaliijka ee go’doomiyay dowlada Qadar oo ka xun garab istaagii Soomaaliya garab istaagtay dowlada Qadar!

    5. Hadaba waxaa isweydiin mudan:

    – Aaway mas’uuliyiintii amniga u xilsaarnaa iyo saraakiishii hugaaminaysay ciidamada joogay isgoysyada iyo irdaha laga soo galo magaalada ee baabuurkaan soo daayay, maxaase tilaabo looga qaadi waayay?

    – Aaway Wasiirkii Amniga ee saraakiisha shaqada uga cayriyay, lahaana waan iscasilayaa hadii aan lasoo qaban qof dilay wiilkii uu abti u ahaa. Miyuusan mas’uuliyad u heynin kuwaan, una diirnaxeyn kuwaan la xasuuqay?!

    – Baabuur nuucaan oo kale ah looma ogoleyn inuu soo maro wadadaan, ka warqab la’aana looma soo deynin ee yaa soo daayay, sideese ugu suurogashay inuu yimaado ilaa isgoyska Zoope oo aan ognahay dhamaan jidcadeyaasha soo gala inay xiranyihiin, wadooyinka waaweyn ee loo soo marana ay ku leeyihiin ciidamada amniga baro baaritaan oo dhowr ah?

    – Mas’uuliyiinta dowlada maxay ugu gurman waayeen dadkii dhibaatadu ku dhacday oo loogu fiirsaday dadkii dhaawacmay ilaa dabku ku tago oo sida aan aragnay ay uwada gamaareen. Yaa mas’uul ka ah dad badan oo dayac u dhintay. Maxayse uga aamuseen mudada intaas la’eg xasuuqaas ba’an ee dadkaas shacabka ah loo geystay. Miyeysan kamid ahayn dadka ay mas’uuliyada u hayaan mise ujeedo kale oo naga qarsoon ayaa jirta?

    – Ma su’aashay Xukuumadu Wasiirka Arimaha Dibada Qadar inuu la wadaago macluumaadka uu ka hayo qaraxaas ee sheegayay in dowlado soo abaabuleen iyo sidoo kale ujeedka uu kalahaa inuu yiraahdo Safaarada Qadar ayaa weerarkaas lagu qaaday, iyadoo ay u dhaxayso Safaarada Qadar meesha ay ku taalo iyo meesha weerarku ka dhacay masaafo aan ka yareyn hal kiilo mitir?

    Dhamaan arimahaan oo dhan marka la isku daro waxaa jira tuhun soo kordhaya oo ku saabsan dhacdadii xanuunka badneed ee 14kii bishaan ka dhacday isgoyska Zoope. Waxaan usoo jeedinaynaa Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada inaan sidaan sahalka ah looga gudbin xasuuqii Zoope ee ay qaadaan tilaabooyin deg deg ah oo lagu baarayo dhacdadaan sida ugu dhaqsiyaha badana ula wadaagaan natiijada baaritaanadaas goleyaasha barlamaanka, qoysaskii, qaraabadii iyo umaddii Soomaaliyeed ee dhibaatadani ku dhacday.

    Mahadsanidiin.

    W/Q: Xildhibaan Mahad Maxamed Salad

    Mahad Salaad Muqdisho Qarax Qaraxii Soope
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Nairobi kusoo dhoweeyay Dhaawacyadii Muqdisho [Sawirro /Muuqaal ]
    Next Article WAR CUSUB: Is-miidaamiyihii geystay Qarixii Soobe wuxuu ahaa askari ka goostay Ciidamada dowladda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo