Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Halista ba’an ee Muqdishooyinka 2020 (Qormadii Yuusuf Garaad)

    Halista ba’an ee Muqdishooyinka 2020 (Qormadii Yuusuf Garaad)

    January 17, 2020Updated:January 18, 20207 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba.

    Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay.

    Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo baahan yahay.Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal, waliba dhakhsa ah ayay u baahan tahay.

    Xal waa suurta gal haddii la is maqlo, la isku dayo in la is fahmo, ujeeddadana laga wada dhigto in xal la helo.
    Madaxda Federaalka iyo xataa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isku Muqdisho shacabka kulama noola, iyaguna isku Muqdisho kuma noola.

    Waddo u xiran ayay gawaari xawaareyneysa ku maraan. La iigama sheekeynayo oo Dowladdaan iyo tii ka horreysay iyo waliba mid aad uga sii wada horreysay, waddo xiran oo lagu xawaareynayo waan maray.

    Madaxda fuushan baabuurtaa waddada xiran ku xawaareyneysa, xog marka ay u baahdaan waxaa u warrama kuwo u qaba in xaalku caadi yahay ama ayaga oo og dhibka jira haddana aan sheegin sabab kasta ha keentee.

    Xataa haddii Madaxda la gaarsiiyo warka, isku mid ma aha wax lagaaga sheekeeyay iyo marka ay adiga ku qabsato.

    Dhowr Muqdisho

    Waxaan adeegsaday Muqdishooyin, sababta oo ah waddada wadnaha ayaa magaalada u kala qeybisay laba Muqdisho oo aan isu gudbi karin. Gaar ahaan Muqdishada Wadnaha ka sarreysaa aanay u gudbi karin Muqdishada badda ka xigta. Irdaha fara ku tiriska ah ee laga galo ayaa baabuurta iyo dadka wataa telefoonno la taagan yihin si ay ula hadlaan saraakiisha fara ku tiriska ah ee u oggolaan kara in ay Muqdishada kale u tallaabaan.

    Iyada oo taasi jirto ayay haddana qeybo badan oo magaalada ahi waxay awalba ahaayeen lama galaan u oodan hey’ado  Dowladda ah, Safaarado, Sharikado iyo ciidammo shisheeye.

    Madaxtooyada oo ku oolli jirtay Wardhiigleey, waxay hadda noqotay Jaziirad fideysa oo waxay daafaha la gashay ama ilaaladeeda hordhaca ahi ay jidgooyo ka sameysteen Boondheere, Xamar Weyne, Waaberi iyo Howl Wadaag. Waxayna si joogta ah u naafeysay waddada ugu caansan magaalada, waa Waddada Maka al Mukarrama iyo waddooyin kale oo badan oo ay ka mid tahay Waddada Maxamuud Xarbi.

    Shacab iska daa, xataa saraakiisha sare ee booliiska ayaanay u sahlnayn in ay Taliska booliiska tagaan.

    Bartamaha Xamar Weyne iyo Shingaanni waxaa ku habsaday, nuurkana ka qaadayLabada xeyndaab ee waaweyn ee midna uu ootay Gobolku midna ay ooteen Isbahaysiga Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Intuba waxay garan waayeen waddooyinka gaaggaaban ee hor iyo hareera mara in ay dayactiraan. Arrintaasi waxay naafeysay farasmagaalaha Muqidishadii loo yiqiin magaalada hoose.

    Isla Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxaa waddada xeebta goostay Isbahaysiga Xabsiga Dhexe iyo Garsoorka, taas oo dhib ka dhigtay in Suuqa kawaanka uu shacaku ka adeegto.

    Isbahaysiga Gegida Dayaaradaha iyo duulka Xalane deggan waxaa u xiran aag aan labadaas xero ku koobneyn oo ay ilaaladoodu jidka dhex joogaan Xamar Jajajab, Waaberi iyo Wadajir. Aaggaasi wuxuu aad uga weyn yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood.

    Taliska Nabad Sugidda wuxuu Jaziirad ka sameysatay Shibis iyo Cabdalcasiis iyada oo Godka Nabadsugiddana aag dhan u xiran yahay Boondheere dhexdiisa.

    Wasaaradaha iyo Safaaradaha qaarkood waxay goosteen waddooyin qaar laga dhex dhisay Ganjeello uu quful saaran yahay.

    Tusaaleyaashu intaa ka badan. Laakiin hadda waxaa cusub in isu socodka magaaladu uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba xirmo.

    Hal Waddo oo Keliya

    Wadooyinka xiran

    Saddex waddo oo Number Afar iyo Cabdalcasiis ilaa Kaaraan isku xiri jiray ayaa midkood ay Dowladdu xiratay. 

    Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo.

    Haddii aad joogto Xamar Jajab ama Waabberi oo aad u socoto Boondheere ma mari kartid waddada Xeebta oo ah tan aan tilmaamay. Ma mari kartid via Roma, Marwaas iyo Raqeyga oo Gobolka iyo Maaliyadda ayay u xiran yihiin. Ma mari kartid Tiyaatarka oo Madaxtooyada ayuu u xiran yahay.

    Isu socodka magaalada ee labada dhinac ee aan tilmaamay wuxuu hadda isugu soo ururay hal waddo oo ciriiri ah, zigzag ah oo marba dhan o leexaneysa, boholo waaweyn leh, qashin badan, aan carfeyn siiba marka roob da’o, gaadiidka magaalada in badan oo ka mid ahina ay isku hor go’an yihiin.

    Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa.

    Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar.

    Waxaa in badan ka dhasha in ay baabuurtu isku xirmaan oo wakhti badan lagu xannibnaado. Taas oo amniga cid kasta oo waddada ku jirta ama hareera joogta halis ku ah. Sidoo kalena halis u ah in ay magaaladu kala go’do.

    Caqligu ma keenin in waddo inta aan la xirin, la is weydiiyo gaadiidkii mari jiray waddada loo duwi karo. Haddii aanay jirin waddo loo duwaana in la is weydiiyo waddada loo furi karo xataa si ku meel gaar ah.


    Qiimee Khasaaraha Waddada Xiran

    Shacabka magaalada Muqdisho xorriyaddooda dhaqdhaqaaq beri hore ayay oggolaadeen in laga qaado.  Waxay isugu jiraan qaar ku beddeshay rajo ay ka qabaan in amniga la sugo iyo qaar aan ku qancin laakiin garan waayay wax ay awoodaan oo sidaa uga dhib iyo khasaare yar.

    Cidi ma xisaabin khasaaraha dhaqaale ee waddooyinka xiran ay sababeen. Lama hubin sida ay u saameeyaan bukaanka iyo dhaawaca doonaya in Isbitaal lala gaaro. Lama oga inta dadka la xannibay ee nooc walba leh carada ay ka qaadeen ee ay Dowladda u qabaan inta ay gaarsiisan tahay.  Lama qiimeyn khasaaraha nooc kasta leh. 

    La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasimaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho.
    Xal waa la heli karaa. Gobolka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka oo magaalada kaliya ee aan amarkeeda laga dabahadal ay tahay Muqdisho, waxaa looga baahan yahay in ay xal la yimaadaan ama ay la tashi la sameeyaan dadweynaha Magaalada deggan.

    • Wadooyinka xiran
    • Wadooyinka xiran
    • Wadooyinka xiran
    • Wadooyinka xiran
    • Wadooyinka xiran
    • Wadooyinka xiran

    Waxa la yiraahaa marka qof neefta lagu celiyo, wuu illoobaa xuquuqdiisa kale oo dhan. Keliya wuxuu weydiistaa in uu neefsado. 

    Hadda shacabka Muqdisho waxa keliya oo uu codsanayaa waa waddo uu maro in loo furo.
    Waan hubaa in ay jiraan reer Xamar badan oo iga xog ogaalsan, iyaga ayaan u deynayaa wixii kabid ama haddii aan khaldamay sixitaan ah.

    Mas’uulka aan ogeyn inta aan sheegay ama shaki uga jiro, isagu ha soo hubsado. Mas’uulka og ama hadda hubsada ee ku qanca oo sidaa ku raalli ah, ma aqaan wax aan u sheego.
    Midka aan ku qanacsaneyn, wax ha ka qabto, waxaana hubaal ah in dadweynaha Muqdisho ku-noolka-ah ay qaar badan oo ka mid ahi ay diyaar ula yihiin talo iyo waliba in ay gacan ka geystaan in magaalada laga dhigo mid amniga ilaalisa, lagu noolaado, laguna dhaqmi karo.

    by: Yusuf Garaad

    Imisa Muqdisho Muqdisho Muqdishooyinka 2020 Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Milateriga oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay degaanka Xaaji Cali (Waxaan dilnay 15 Shabab ah…)
    Next Article Madaxtooyada Somalia si yaab leh uga jawaabtay Cabashadii Hooyo sheegtay inay Gabadheeda afduubteen Ciidamada Madaxtooyada

    Related Posts

    Bannaanbixii Darawallada Mooto-Bajaajta Muqdisho oo Qarka u saaran inuu Kacdoon isu bedelo

    August 14, 2024

    Saddex Dhalinyarro oo lagu Abaalmariyay Bilad Geesinimo iyo Shaqaaleysiin

    August 13, 2024

    Qaar ka mida Gabdhihii loo xiray Anshax-darrrada Baraha Bulshada oo Xukun lagu riday

    August 4, 2024

    Wasiir Caan ka ahaa Dowladii Kacaanka oo Geeriyooday (Akhriso Taariikhdiisa)

    July 9, 2024

    Nin ay Booliska Muqdisho u xireen dhaqan-xumo oo Dood ka dhaliyay Baraha Bulshada

    July 7, 2024

    Marxuum Jawaari oo Aas Qaran loogu Sameeyay Muqdisho iyo Madaxda ka qeyb gashay (Sawirro)

    June 29, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo