Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Halista ku wareegsan ku-simeyaasha la wareegay jagooyinka madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha

    Halista ku wareegsan ku-simeyaasha la wareegay jagooyinka madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha

    February 16, 20153 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa toddobaadkan lasoo gudboonaaday inay mar qura dalka ka wada maqnaadaan Madaxweynaya iyo Ra’iisal wasaaraha arrimo shaqsiyeed dartood, kadibna jagooyinkii ugu muhiimsanaa ee dalka ay gacanta u galaan kusimeyaal.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo caafimaad ugu anbabaxay dalka Jarmalka 12-ki Bishan ayaa muddo laba toddobaad ah la sheegay inuu ku maqnaan doono Yurub. Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidaasi ku noqday kusimaha madaxweynaha, iyadoo la filayo inay noqoto waqtigii ugu dheeraa ee uu xilkaas ku sime ahaan u hayo.

    kusimeyaasha

    Kusimaha madaxweynaha wuxuu leeyahay awood madaxweyne oo uu go’aano ku soo saari karo, mana jirto wax ka reebaya inuu tallaabooyin lama filaan ah oo waaweyn ku dhaqaaqo, marka laga reebo inay jirto is afgarad hoose iyo in madaxweynuhu ku kalsoon yahay Guddoomiye Jawaari oo ah nin dowladeed oo aan laga fileyn arrimo khalkhal gelin kara madaxweynaha.

    Ku-sime madaxweyne oo xilkaas ka faa’iideystay waxaa laga tilmaami karaa guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka dowladi KMG ahaa  ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo fadhigeeduna ahaa magaalada Baydhaba Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo xilli ay jagadaas u gacan gashay soo saaray wareegto uu ku dalacsiiyay saraakiil, qaadayna tallaabooyin kale oo taariikhda galay.

    [ad name=”HTML-2″]

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid wuxuu 13-kii Bishan socdaal shaqsi ugu anbabaxay dalka Kanada oo dhowaan ay hooyadii ku geeriyootay, isagoo aaskeeda ka qeybgalaya. Arrintan waxay keentay inuu durba kusime Ra’iisal wasaare noqdo Maxamed Cumar Carte oo ah nin siyaasadda ku cusub laakiin saaxib dhow la ah Cumar C/rashiid. Ninkan oo diblomaasiyadda bartay way ku cusub tahay jago sidan u culus, Siyaasad ahaan wax badan lagama yaqaan marka laga reebo inuu  aakhirkii 2011-kii ka aasaasay magaalada Hargeysa xisbi la magac baxay DAMAL, xisbigaas oo hore u socon waayay. Somaliland-nimadiisana waxaa la sheegaa inaysan meel dheer jirin.

    Ra’iisal wasaaraha CCC ayaa usoo xushay shaqsigan inuu ku xigeen u noqdo, wuxuuna ahaa shaqsiga kaliya ee mar kasta ku jiray liisaskii faraha badnaa ee xukuumadihii uu soo dhisay Ra’iisal wasaaruhu, taasoo loo aaneynayo saaxiibtimo weyn oo ka dhaxeysa labada shaqsi. Waxaad moodaa in Maxamed Cumar Carte aanay saxaafadu u iftiimin sidii Fowsiyo Xaji Aadan oo kale markii loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisal wasaare ku xigeen. Xaaladda uu ku shaqeynayo kusimaha ra’iisal wasaaraha cusub iyo dadka ku xeeran ayaa keeneysa inuusan halis ku noqon karin dowladda Federaalka, laakiin caqabado abuuri karo haddii aysan daacad ka ahayn jagada uu hayo.

    Isku soo duub inkastoo halis weyn oo laga digaa ku jirin kusimeyaasha xilalka ugu sareeya dalka xilligan haya, haddana waxaa muhiim ah inaysan xaaladani sii raagin siiba tan Ra’iisal wasaaraha oo howlo badani laga sugayo xukuumadiisa.

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Kusimeyaasha Maxamed Cumar Carte Prof. jawaari
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CUSUB: Faarax Sh. C/qaadir oo wareejiyay Wasaarada Cadaaladda laakiin kala haray qalab muhiim ah (Akhri)
    Next Article Guddoomiyaha Sh/Hoose: “Alshabaab nolosha ayay igu qaban gaareen”

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

    November 3, 2024

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo