Wasiirkii hore ee Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradaasi C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradaasi oo uu goobjoog ka ahaa ra’iisal wasaarr ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, hanti dhowrka, xeer ilaaliyaha, xildhibaano iyo agaasimeyaasha wasaaradda.
Faarax ka sokow saaxiibtinimada adag ee kala dhaxeysa madaxweynaha, wuxuu ahaa wasiirka ugu awoodda badan xukuumadihii hore, waxaana lagu xusuustaa inuu ahaa qofkii qarxiyay khilaafkii siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed, markii isku shaandheyn mas’uulka danbe ku sameeyay Golaha wasiirada ay sameeysay isaga; looga wareejiyay xilkii wasaaradda cadaalada oo la geeyay wasaaradda xanaanada xoolaha.
[ad name=”HTML-2″]
Xafladii xil wareejinta ee maanta waxaa marqaati ka ahaa madax badan oo rayid iyo ciidan isugu jira taasoo muujineysa muhiimada ay leedahay wasaaradda oo garsoorka maahee ay hoos imaaneyso arrinta dastuurka. Wasiir Faarax ayaan hadda wax jago ah ka heynin dowladda Soomaaliya guud ahaan wuxuuse sii ahaan doonaa la-taliye madaxweyne iyadoo lagu wado inuu dib ugu soo laabto Golaha wasiirada kadib lix bilood isku shaandheyn la sameyn doono.
Waxyaabaha uu wareejiyay maanra Faarax Sheekh C/qaadir ayaan lagu soo darin baabuurta iyo ciidanka aan yareyn ee ilaalada u ah, waxaana uu weli heystaa gaadiid badan oo ay ka mid yihiin laba baabuur oo ah nooca aanay xabbadu karin iyo ciidan horin ka badan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]