Iyadoo Dooorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ay dhici doonto maalmaha Arbacadda iyo Khamiista ee 11-12 Janaayo 2016 ayaa waxaa soo baxaya digniin ku saabsan in haweeneyda kaliya ee ku jirta Doorashada.
Qaar ka mida culimada Muqdisho ayaa ka digay in musharax Khadiijo Maxamed Diiriye ay madaxweyne ka noqon karto dalka haddii loo doorto xilka Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya.
Haweeneydan oo ka mida musharixiinta u taagan xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Soomaaliya ayaa la sheegay haddii ay xilkaasi ku guuleysato inay noqon karto Sii-haye madaxweyne haddii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dalka ka maqan yihiin taasoo caado u noqotay madaxda dalka ee muddooyinkii danbe arrintaas oo culimada waaweyn ee dalka ka hor jeedaan.
Halista ka imaan karta inay ku sime madaxweyne noqoto haddiiba ay dhacdo in la doorto musharax Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid ahaa dood lagu soo qaaday kulan ay culimada Muqdisho yeesheen.
Hay;adda culimada Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa si weyn uga hor timid qoondada haweenka laga siiyay Baarlamaanka oo ay ku eedeeyeen inay reer Galbeedku ka danbeeyaan.
Wadani.com