Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa Bayaan kasoo saartay xaaladda siyaasadda ee dalku marayo, iyadoo baaq u kala dirtay shacabka, madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta Muacaaradka.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Muqdisho ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda, wuxuuna halkaasi ka akhriyay bayaan ka soo baxay Culimada oo lagu caddeeyay inay ka xun yihiin xaaladda dalku ku jiro.
Dhinaca kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Culimada ayaa sheegay in Waddanka ay soo galeen rag wada mad-habta shiicada iyo kuwo diinta ka laabtay, wuxuuna ku baaqay in la dilo.
AKHRISO QORAALKA