Qoraal kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa joojisay qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliya, xaaladda ka dhalatay cudurka Covid-19 awgeed.
“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in laga bilaabo maalinimada Talaadada ah, taariikhduna tahey April 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe..” ayaa lagu yiri qoraalka kaso baxya Hay’adda oo aan lagu sheegin xilliga dib loo furayo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Coronavirus ay saameeyeen isku socodka iyo xaafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka, taasoo keentay in la joojiyo qabashada codsiyada Baasaboorka.
Hore ayaa taliska Booliska u joojiyey bixinta waraaqaha denbi la’aanta oo ku xiran in baasaboor la dalbado, waxayna tani qeyb ka tahay saameynta uu yeeshay Coronavirus.