Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaaciay in Berri oo ku beegan Axad oo taariikhdu tahay, July 12, 2020, dib loo bilaabi doono howlihii bixinta Baasaboorka guud ahaan gudaha dalka.
Waxay Hay’adu soo saartay qaab loogu taloglay in lagu bixiyo Baasaboorka, iyadoo haddana laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19, waxaana habkan cusub laga doonayaa inay muwaadiniinta.
HOOS KA AKHRISO:
-Xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)
-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.
-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha (Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.
Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:
– 1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.
2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.
Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed laga codsaday in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.Saacaddaha qabashada araajida waa: 8:00am – 12:00 pm
