Ilhaan Cumar oo ah haweeney Somali-Mareykan ah oo ka tirsan xildhibaannada Aqalka hoose ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa isu sharaxday murashaxnimada xubin ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykakanka.
Ilhaan oo hore taariikh uga gashay dalka Mareykanka ayaa mar kale Jagadan muhiimka ah u tartamaysa, waxaana hore u hayn jiray xildhibaan Kith Ellison oo ah nin Muslim ah oo madow, oo isaguna u tartamaya xilka xeer ilaaliya guud ee gobolka Minnesota.
Gobolka Minnesota ayay maanta ka ahayd maalintii ugu danbaysay ee uu qof isu diiwaan galinkaro in uu u tartamo jagooyin kala duwan, waxaana tartanka kula jira Soomaali kale iyo xubno labada xisbi ka tirsan.





![Ilhaan Cumar oo isu sharaxday Kursi ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/06/Ilhan-Omar.jpg)