Aakhirkii sanadkii hore 2018 iyo horaantii sanadkan 2019 waxaa mar kaliya soo shaac baxay dood ku saabsan mushaar la’aan soo wajahday ciidamada Xoogga Dalka, kadib markii dalalka Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka joojiyeenm dhaqaale ay ku bixin jireen mushaarka ciidamada.
Wasaarada Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii Novembar 2018 Baarlamaanka geysatay Wax-ka bedel miisaaniyad iyo lacag ka daba-tuur ah oo la sheegay in dowladda ay soo heshay, kuna buuxineyso lacago ka maqan ciidamada dowladda markii ay meesha ka baxeen dalalkii bixin jiray mushaarka. [Akhriso]
Sababta Mareykanku u jaray lacagtii uu siin jiray ciidamada Xoogga Dalka: AKHRISO: Dowladda Mareykanka oo joojisay kaalmadii ay siin jirtay ciidamada Milateriga Soomaaliya [Warbixin Xasaasi ah]
DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo jawaab ka bixiyey dhaqaalaha uu Mareykanku ka joojiyey ciidamada Soomaaliya
Sababtii ay dowladda Imaaraadka Carabtu u joojisay mushaarkii ciidamada ay gacanta ku heysay waxay timid qalalaasihii diblomaasiyadeed ee dowladdu la gashay Imaaraadka, iyadoo khilaafkii Khaliijka raacday Dalka Qatar, kadibna ay isku dhaceen Imaaraadka.
AKHRISO: Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay ciidamadii ay tababarreen Imaaraadka
Iyadoo xaaladaas jirto, isla markaana aysan hoggaanka dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre hore u sii dejin qorshe u bedeli kara dalalka ay isku dhaceen iyo dhaqaalaha badan ee ku baxa ciidamada ayaa hadda waxaa la guda galay dib u habeynta ciidamada.

Ciidamada Milateriga Soomaaliya waxay muddo ka badan 10 sano ahaayeen isku jir aan qorsheyneyn, isla markaana kasoo jeeda maleeshiyadii beelaha Muqdisho iyo K/Galbeed, kuwaasoo xaaladu keenay inay ciidamo u noqdaan dowlad kasta oo soo jirtay tan iyo dowladii C/qaasim ilaa Farmaajo.
Ma jirin tiro sax ah oo laga hayo ciidamada dowladda, waxaana dhibaato ahayd in la kala saaro ciidamada dowladda iyo maleeshiyada oo intooda badan ka tirsan milateriga si joogto ahna ugu dagaalama xaafadaha Muqdisho, taasoo ahayd arrin loo caal waayey 10 sano ka badan.
Isku daygii Madaxweyne Farmaajo ku degay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga si uu dib u habeyn ugu sameeyo ciidamada waxay dhaafi weysay in isku shaandhgeyn lagu sameeyo hoggaanadii ciidamada, iyo in la abuuro ciidamo cusub, iyadoo aan kuwii hore dib loo habeynin. [Akhriso]
MAXAA U GAARA CIIDAMADA KU SUGAN LABADA SHABEELLE..?
Hoggaanka dowladda ee hadda jira waxaa u qorsheysan inay kala diraan ciidamada fadhigoodu yahay Gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose oo u badan beelaha dega magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacan tahay inay u arkaan halis muuqata iyo inaan la xukumi karin.
Ciidamadan inay ku tuhmeen qabiilo gaara, ka sokow waxay halis ku yihiin qorshaha dib u doorashada ee kooxda Nabad iyo Nolol oo dhowr jeer sanadihii 2017 iyo 2018 lagu cabsi geliyey ciidamadan si beelnimo ah u taageeraya ama u difaacaya siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo loolan kula jiray Madaxweyne Farmaajo.

Saraakiisha sare iyo kuwa dhexe ee hoggaamisa guutooyinka degan labada Gobol ee Shabeelooyinka waa kuwo aan daacad u hayn madaxda hadda jirta ama lagu tuhunsan yahay inay muddo jeer xilalka iska heysteen ciidamada ay hoggaamiyaanna ay iyagu leeyihiin, taasoo xilligan loo arkay kan ugu haboon ee meesha looga saari karo.
Qalalaasaha ka taagan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Shabeellooyinka waa mid aan ka marneyn siyaasad iyo rabitaan dano gaara oo la isku hayo, waxaana qorshahan oo ah mid culus oo u muuqan kara dagaal qabiilo gaara lagu hayo ka gaabsaday madaxweyne Farmaajo, iyadoo la soo hor mariyey Ra’iisal wasaare Kheyre oo beel ahaan loo xijinayo ciidamadan.

Dib u habeynta ciidamada ee la siyaasadeeyay iyo talisyada iyo ciidmadooda ku qaan gaaray khaladaadka soo jireenka ah, ayna adag tahay in loo bedelo ciidamo sax ah, waxay qolo waliba ka dhigeen mid xaq ku taagan, waxaana xalinta qalalaasahan uu noqon doonaa mid ku xiran mustaqbalka siyaasadeed ee kooxda Farmaajo 2021.
W/D: GOOBJOOGE.NET