Hoggaaminaya Ahlu-suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa ka hor yimid ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo la geyn lahaa magaalada Dhuusamareeb, isagoo xiisad ka dhaliyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Kadib amarkii uu ku bixiyey in la hor istaago ciidamadii Dowladda Somalia ee la filayey inay shalay ka degaan magaalada Dhuusamareeb ayuu Macalinku ku dooday, una sheegay xubnihii beeshiisa ee la kulmay inuu jiro qorshe shirqool lagu doonayo in lagula wareego magaalada Dhuusamareeb, isagana lagu xiro, ciidamada la keeno magaalada Dhuusamareeb-na ay ku socdaan qorshahaasi.
Arrintan oo shaki badan abuurtay ayaa waxaa beeniyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasiirada ka tirsan xukuumadiisa ee ku sugan magaaladaasi, waxaana shalay ilaa xalay socday is-aragyo iyo waanwaan laga dhex wado Macalin Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha oo ku saabsan sida ay noqoneyso xaaladda magaalada Dhuusamareeb.
Macalin Maxamuud oo ay wakiil ka yihiin xubno uu horkacayo wiilkiisa C/Samad Macalin ayaa shuruudo cusub oo saddex qodob ka kooban u soo jeediyey Ra’iisal wasaare Kheyre, kuwaasoo kala ah:
1- In Ciidamadii hore u joogay magaalada Dhuusamareeb ee -Ahlu Suna- oo hoos taga Macalinka loo dhaafo sugidda amniga magaalada, isla markaana la joojiyo ciidamada uu doonayo inuu magaalada Dhuusamareeb keeno Ra’iisal wasaare Kheyre.
2- in 35 xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamaanka soo socda ee Galmudug loo saxiixo inuu isagu soo magacaabayo, si gaarna ahna loo siinayo .
3- Iyo in dowladda Federaalka ay aqoonsanto boqolaal saraakiil ah oo Ahlu suna ay dalacsiiyey, laguna qaato darajooyinka sarkaalnimo ee ay siiyeen madaxda Ahlu suna.
Qodobaddan ayaa ka socon waayey dhinaca dowladda Soomaaliya, taasoo keenay inay dheeraadaan wadahadalka labada dhinac, waxayna xubno xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ay sheegayaan in culeyska ka yimid Macalin Maxamuud uu yahay mid dhaqaale kale uu uga doonayo dowladda Federaalka, arrintuna si hoose loo xalin doono.