Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»KASHIFAAD: Wax ka ogow Labada Garab ee ay u qeybsameen Maamulka G/Banaadir & Xilka weli la isku heysto

    KASHIFAAD: Wax ka ogow Labada Garab ee ay u qeybsameen Maamulka G/Banaadir & Xilka weli la isku heysto

    May 13, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan qormadan ku eegeynaa wada-shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir ee la magacaabay 21-kii Janaayo oo uu guddoomiyaha u yahay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo xilka la wareegay 30-ka Janaayo.

    Maamulkan oo mar qura la wada magacaabay waxay ka koobnaayeen Guddoomiye, 4 ku xigeen iyo Xoghaye oo qeyb ka mida ay ahaayeen shaqaalihii Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal Wwasaaraha, waxaana kaliya oo maamulkii hore dib uga soo laabtay hal guddoomiye ku xigeen oo ahaa Aadan Sheekh Cali Fiidow.

    Isla markii maamulka cusub xilka la wareegeen waxaa soo if baxday inaysan isla qabsan karin, waxaana Guddoomiye Yariisow uu damcay inuu iska bedelo qaar ka mida ku xigeenadiisa, taaso socon weyday, waxaana muran ka dhashay cidda noqoneysa guddoomiye ku xigeenka koowaad. [Akhri Warkan]

    Ugu horeyntiiba Beesha Murusade ayaa ku dooday inay leedahay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad oo magacaabidii maamulka ku soo baxday in ku xigeenka koowaad loo magacaabay Beesha H/Gidir, taasoo ah arrin aan xal loo helin oo weli ka taagan maamulka dhexdiisa. [Akhriso Magacayda iyo beelaha]

    Guddoomiye Yariisow oo qaatay doodda koowaad, wuxuuna ku xigeenka koowaad iskiisa uga dhigtay Xuseen Maxamed Nuur oo oo dhinaca Maaliyadda ku xiga, ayna qaraabo yihiin Ra’iisal wasaaraha, basle wareegtadii magacaabidda ku soo baxay Guddoomiye ku xigeenka labaad.

    Waxay arrintan soo shaac baxday, kadib markii duqa magaalada uu safar qarsoodi ah ku aaday bishii hore  dalka Holland oo maxkamad uga furneyd, isagoo kusime ka dhigtay ku xigeenkiisa dhinaca maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, isla markaana safarkiisa ka qariyey ku xigeenka koowaad Maxamed Tuulah oo markii danbe ka war helay iyo maamulka intiisa kale.

    Muranka ka taagan xilka ku xigeenka koowad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo cidda kusime noqoneysa waa mid saameyn ku yeelatay wadashaqeynta maamulka G/Banaadir, waana xaalad intii uu xalin lahaa uu dhinac maray guddoomiye Yariisow oo maamulkii lala magacaabay kaliya saaxiib ka dhigtay hal xubin oo ka mida, taasoo ay ugu wacan tahay isagoo aamisan in Ra’iisal wasaare Kheyre uu xilka u magacaabay, sidaasina ku raali gelinayo.

    Maamulka G/Banaadir wuxuu u qeybsan yahay laba kooxood oo kala ah:

    1- Qeybta koowaad: Waxay ka kooban tahay Guddoomiye Yariisow iyo ku xigeenka  dhinaca Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur oo lagu tilmaamo guddoomiyaha dhabta ah ee G/banaadir ka taliya, labadan nin oo isbaheysi leh waxay isku gaar yeeleen go’aanada iyo maamulka sare ee Gobolka, waxaana howsha gobolka oo dhan kala wada, shaqaaluhuna ay aqoonsan yihiin Xuseen Maxamed Nuur, halka Yariisow uu noqday maqaar saar shirarka iyo xafladaha kasoo dhex muuqda.

    2- Qeybta labaad: Waxaa ku wada jira Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Mohamed Tuulah oo hore u ahaa gacan-yaraha madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada iyo xoghayaha Guud oo isku dhinac ah, qeybtan waxay ka yimaadeen kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana ay halgan kula jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, iyadoo uu hoggaaminayo Maxamed Tuulah, kaasoo guddoomiye Yariisow uu ku tuhmay dhowaan inuu mas’uul ka ahaa  ololihii looga furay baraha bulshada.

    Waxa xusid mudan in guddoomiye ku xigeenka xigeenka Howlaha Guud  Aadan Sheekh Cali Fiidow uu yahay mas’uul gaar u taagan oo uu go’doomiyey maamulka cusub ee G/Banaadir, isagoo shaqadiisii lagala wareegay isla markaana aan wax door ah ku lahayn maamulkan.


    AKHRISO QORMADII HORDHACA

    FAAQIDAAD: 100-kii Maalmood ee ugu horeysay Guddoomiye Yariisow & Maamulka G/Banaadir [Qormooyin Taxane ah]

    AKHRISO QORMADII KOOWAAD

    AKHRISO: Sidee Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir loogu magacaabay C/raxmaan Yariisow..? [Qorshihii loo qariyey …]

    LA SOCO QORMADA 3-AAD

    Waxaan ku eegi doonnaa Guddoomiyaha dhabta ah ee maamulka G/Banaadir iyo Mas’uulka Qarsoon ee kala wada maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho & heerka ay gaarsiisan tahay awoodaha Guddoomiyaha xilka ku magacaaban.

    100 maalmood ee C/raxmaan Yariisow G/Banaadir Maamulka G/banaadir Muqdisho Top Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Shirka Dib u eegista Dastuurka oo ka furmay Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay
    Next Article SAWIRRO: Qaar ka mida Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo gaaray Magaalada Baydhaba

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo