Faafhaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa bar twitterka uu ku leeyahay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo la sheegay inay been buur tahay.
Bartan ayaa saaka laga soo xigtay in Guddoomiyaha la doortay ee Baarlamaanka Federaalka SoomaalIya uu sharci darro ku tilmaamay Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida, isla markaana beeniyay inuu ka qeyb galay shir la sheegay inay madashu yeelatay dhowaan oo laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan Galmudug.
Bartan oo sida sawirada hoose ka muuqata ku diiwaangashan magaca Mohamed Osman Jawari (@SpeakerJawari) ayaa dadka qaarkood ay sheegeen inay aqoonsadeen qofka wax ku qora ee iska dhigaya inuu yahay Jawaati.
Prof. Jawaari ayaa hore u beeniyay inuu xisaab ku leeyahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, laakiin wararkii ugu danbeeyay ee lagu qoray bartan ayaa dad badan soo jiitay, iyadoo la ogyahay in Prof. Jawaari aanu qaadan go’aano Cadacad.
Xildhibaan Cali Balcad, ahna agaasimihii hore ee Madaxtooyada ayaa isna bartiisa twitterka ku sheegay in barta la sheegay inuu leeyahay Jawaari ay tahay been abuur.
Dhinaca kale mid kamida xogheynta Baarlamaanka ayaa ka soo xigtay Prof. Jawaari hadalkan: “Waxaan ku wargelinayna Ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan ummadaha kale warkii la xiriray page-ka inuu been abuur yahay oo aanan lahayn.
Wadani.com