Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»KASHIFAAD: Yaa ka danbeeya Mooshinka xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo?

    KASHIFAAD: Yaa ka danbeeya Mooshinka xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo?

    December 9, 2018Updated:December 9, 20183 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa qaaday tallaabooyin aan hore loo arag oo lama filaan ah tan iyo intii uu Muqdisho ku soo laabtay Sabtidii 1-da Disember 2018.

    Wuxuu galabta qabtay Mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo 92 xildhibaan ay ku saxiixan yihiin, kaasoo xaaladda kacsan ee siyaasadda dalka ka dhigaya mid aan xal lahayn oo muddo 48 saacadood ah gaartay heerkii ugu sareeyay.

    Mooshinka

    Mooshinka ayaa hore u diyaarsanaa, waxaana sanadkii hore 2017 xilligan oo kale la doonayey in la geeyo Baarlamaanka, taasoo meesha ka baxday markii weerarka lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur, iyadoo markaasina lagu eedeeyay Imaaraadka Carabta inay dhaqaalaha bixineysay.

    Mooshinkan sanad jirka ah ayaa xildhibaannada saxiixay ay qaarkood xilal wasiiro hadda ka hayaan xukuumadda, qaarna ay ka baxeen baarlamaanka, laakiin waxaa dib loo habeeyay maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo magacyada dib loo saxay si xaaladda hadda taagan loogu saleeyo.

    Mooshinkan waxaa ka qeyb qaatay in xilligan uu soo baxo , iyadoo u sii kordhayey mucaaradka dowladda Farmaajo oo la timid dhaqan siyaasadeed cusub oo ah mid ku dhisan xasarad abuuris iyo dagaallo siyaasadeed oo ay la gashay maamul goboleedyada iyo cid walba oo rabitaankooda ka horjeeda, iyadoo ay ugu danbeysay faragelinta Doorashada K/Galbeed ee Soomaaliya, taasoo xaaladda uga sii dartay.

    Yaa dagaalka geliyey Guddoomiye Mursal..?

    Waa su’aal adag oo xitaa madaxda markii hore xilkan ku taageeray ee wadatay sida madaxweynaha aanay jawaab sax ah u heli karin, laakiin Wadani.net ayaa ogaatay in Guddoomiye Mursal ay saameyn ku yeesheen dowlado shisheeye.

    Guddoomiye Mursal iyo gacanyarihiisa C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhowaan tegay dalka Qubrus-ta Turkiga, halkaasoo la sheegay inay kula kulmeen saraakiil ka tirsan sirdoonka UAE, wuxuuna sidoo Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga, taasoo shakiga laag qabo Guddoomiyaha sii xoojisay, heshiisyo la isku ogaana uga baxay Farmaajo.

    Dhinaca kale xogta laga helay Guddoomiye Mursal ayaa sheegeysa inuu ka war helay qorshe isaga ka dhan ah oo lagu doonayey in xilka looga qaado ama lagu xiro, taasoo soo dedejisay inuu mooshinkan qabto.

    Guddoomiye Mursal oo loo heystay nin ay wadato kooxda Madaxweyne Farmaajo waxay muujineysaa in siyaasiyiinta Soomalida aanay noqon karin dad la yeesho, waxayna cashar u dhigeysaa madaxda Soomaalida ee u arka in laaluush ku kasban karaan dadka. Xaaladan oo kale waxay qabsatay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo doorashadii 2018 u qaatay inuu lacag ku soo laaban karo.

    Maxaa kasoo bixi kara..?

    Waxaa aad u adag in Mooshin Madaxweyne loo helo sharciyad sax ah oo lagu meel mariyo xitaa haddii ay isku raacsan yihiin inta badan baarlamaanka Federaalka, iyadoo hore mooshin kan la mida oo laga keenay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ku dhammaaday qoraallo sharciyeed lagu wareeray oo guddoomiye Jawaari soo saaray. Waxaan weli dalku lahayn Maxkamad dastuuri ah oo sharciyeyn karta waxyaabaha lagu eedeeyo madaxweynaha.

    Mooshinkan ayaa macaashka siyaasadeed ee ugu weyni noqon karaa in khalkhal la geliyo madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa, iyadoo taasi horseedi karto inay farahooda ka baxdo doorashada Maamulka K/Galbeed, isla markaana dalku galo khalkhal siyaasadeed oo jiitama iyo mooshinno aan dhammaan.

    AKHRISO: Shan Qodob oo lagu soo eedeeyay Madaxweyne Farmaajo
    Baarlamaanka Farmajo Mooshin Mooshinka Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Guddoomiye Mursal oo qabtay Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweyne Farmaajo [IMPEACHMENT]
    Next Article AKHRISO: Shan Qodob oo lagu soo eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo