Khubaro ka socda dalka Masar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo baaritaan ku haya diyaaradii Tristar Air Cargo ee ku dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Madaxa duulimaadyada rayidka ee dalka Masar Maxamuud Zenati ayaa sheegay inay bed qabaan dhamaan shaqaalihii saarnaa diyaarada dhacday ee laga lahaa dalka Masar.
Wuxuu intaas ku daray in koox baarayaal ah oo arimaha duulimaadyada ku taqasusay ay u soo direen Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan baaritaanka lagu ogaanayo sababihii ay ugu degtay meel ka baxsan Muqdisho iyo cilada ku timid, iyadoo wax laga weydiin doono duuliyeyaashii waday diyaaradda.
Axmed Zenati ayaa sheegay in kooxda baraayaasha ah ay xog ka keeni doonaan xaalada diyaarada iyo heerka uu la egyahay bur burka soo gaaray. Sarkaalkaasi ayaa dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in diyaarada ay ahayd mid xamuul ah balse ay ku timid dhibaato dhinaca farsamada ah,kabtankii duulinayay diyaarada ayaa ku fashilmay in diyaarada uu ku dajiyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade taasi oo ku qasabtay in meel ka baxsan uu diyaarada ku dajiyo gaar ahaan degaanka Carbiska.
Wadani.com