Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Koomadii ma ka soo baxday? Mise… [W/Q: Yusuf Garad]

    Koomadii ma ka soo baxday? Mise… [W/Q: Yusuf Garad]

    July 23, 20164 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan dhegeystay weraysi laga qaaday dhibbane la miyir beelay dhib uu sarkaal booliis ahi gaarsiiyay.

    Dhibbanuhu wuxuu weriyaha u sheegay in uu “Kooma” galay, Su’aashii xigtay ayaa igu dhalisay in aan si kooban khibrad ula wadaago walaalheyga Soomaaliyeed ee aan isku xirfadda nahay. Su’aasha iyo jawaabteedu waxay u dheceen qaab u dhow sidan:

    Hadda koomadii ma ka soo baxday mise weli waa ku jidhaa?

    Koomadii waan ka soo baxay. Qof kooma ku jira miyaa hadli lahaa?

    Waxaan halkaa ka arargnaa in aan su’aashu munaasab ahayn. Kooma qofka ku jira waa qof dhaawac ka gaaray maskaxda awgiis densan oo la moodo in uu hurdo. Lagana kicin karin xataa haddii loo adeegsado wax qof caafimaad qaba oo hurda xanunjin lahaa.

    Qof xaaladdaas ku jira marka horeba ma hadleen. In aad qof kula hadlaya weydiiso in uu kooma ku jiro waa maxay jawaabta aad ka fili karto oo aan ahayn Anigu kooma kuma jiro? Jawaabtaas oo awalba aad ogeyd maxaan ahayn oo ay keeni kartaa? Waa fal-ma-dhacdo in aad maqasho jawaab ah “haa kooma ayaan weli ku jiraa, goor aan soo naaxi doonana ma ogi.”

    Marka aan is weydiiyay waxa keenay su’aashan, saddex sababood ayay ila dhaafi weyday:

    1. In ay tahay hafyo.
    2. In aan weriyuhu aad uga fiirsan su’aasha, kana fekerin waxa ay jawaabtu noqon karto.
    3. Iyo in aan weriyuhu aqoon kooma (coma) waxa ay tahay.

    Khaldkan iyo qaar la mid ahi waa ay ka dhacaan saxaafadda Soomaalida qaarkeed. Laakiin kan waxaan u soo qaatay in uu yahay tusaale fiican oo aan hubo in weriye kasta uu jeclaan lahaa in aan khalad la mid ahi asaga ama ayada ka dhicin. Sidee marka uga baaqsan kartaa khaladdaadka noocaas ah ayaan isku dayayaa in aan uga jawaabo sadarrada soo socda.

    Joogtee ardaynimadaada

    Weriye kasta waxaa la soo gudboonaada mowduucyo aad u fara badan aadna u kala duwan. Mar kastana waxaa laga rabaa in uu si aqoon ku saleysan uga hadlo mowduuc kasta oo uu soo hadal qaado. Waa in uu mowduuca uu ka hadlayo ka yaqaan in ka badan inta uu ka aqoon karo qofka aan asagu ku takhasusin mowduuca ama aan ka shaqeyn.

    Taasi ma ahan wax sahlan. Si uu u lahaado aqoon ka sarreysa tan dadka intiisa badan, weriyuhu waa in uu wax badan akhristaa. Waa in akhriskiisu uu joogto ahaadaa. Waa in uu ka qeyb galaa muxaadarooyinka. Waa in uu dhegeystaa saxaafad aqoon u kordhineysa. Waa in uu la sheekeystaa dad uu aqoon ka korosan karo. Waa in uu su’aalo is weydiiyaa oo goobaa jawaabahooda. Waana in uu su’aalo weydiiyaa dadka u saaxiibka ah aqoonta.

    Aqoo qof yaqaan

    Intaas oo dhan haddii uu weriyuhu sameeyo, haddana ma wada aqoon karo mowduuc kasta. Markaa waxaa looga baahan yahay in uu diyaar garowgiisu uu intaa ka badan yahay. Inkasta oo wararka intooda badan la sii ogyahay inta aanay dhicin oo la qorsheyn karo waxna laga sii baran karo, haddana wararka qaar waa sida weerar argagixiso. Ma taqaannid goorta uu dhici doono iyo meesha uu ka dhici doono. Warkuna waa sida gurmadka weerarka arga-gixiso daba yaal oo waa in aad isla marka uu ku soo gaaro aad wax ka qortaa.

    Markaa suurta gal ma ahan in mowduuc kasta  oo warka soo gala uu weriyuhu u leeyahay aqoon ka badan aqoonta dadka badankiis, lahaana aqoontaas inta aan warku soo dhicin.

    Laakiin weriyaha waxaa u furan in uu isla markaas si deg deg ah u baaro mowduuca si uu u fahmo. Baaritaankaasi wuxuu noqon karaa mid internetka ah, mid buugaag, wargeysyo, maqal ama muuqaal ah. Wuxuuna noqon karaa mid markaas wax laga weydiiyo dadka yaqaan mowduuca.

    Waxaa la yiraahdaa weriyuhu ma aqoon karo mowduuc kasta, laakiin mowduuc kasta waa in uu yaqaan qof aqoon gaar ah u leh.

    Ha fasirin wax aadan fahmin

    Weriyuhu wax aanuu fahamsaneyn ma ahan in uu isku dayo in uu dadka u fasiro. Mana ahan in uu wax aanuu fahamsaneyn is moodsiiyo in uu fahamsan yahay. Xataa kelmad aanuu hubin macnaheeda ma ahan in weriye adeegsado.

    Ceeb ma ahan. Waxa aadan fahmin weydii weriyaha kula shaqeeya. Haddii intiinna isla shaqeysa midkiinna uu fahmi waayo ama aad isku khilaaftaan fahamka, la kaasho qof idinka baxsan.

    Waxaa iyaguna jira farsamooyin looga dabaasho haddii ay dhacdo qofka aad wareysaneynaysaa haddii isaga oo aan fasirin uu adeegsado eray ama aragti aadan adigu fikir buuxa ka haysan. Waxaan rajeynayaa in aan qormo kale ka diyaariyo mustaqbalka, haddii Rabbi idmo.

    Posted by Yusuf Garaad 

    Koomadii ma ka soo baxday? Mise Qormo Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNin ka soo jeeda Iiraan oo ka danbeeyay Weerarkii Munich & Qasaaraha
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh xabsi u diray nin sawir ka qaaday isagoo hurda [DAAWO SAWIRRO]

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo