Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay fal dil gowrac ah kula kaceen wiilal dhalinyaro ah oo ay afduubteen.
Mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dileen laba dhallinyaro ah oo xalay ay ka afduubteen degaan lagu magacaabo Weylo-wad oo hoostaga magaalada Buuloburte, iyadoo tacadi kula kacay intii aysan dilin.
Ragga dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay si xun u dileen maleeshiyada Al-Shabab, ayna qoorta ka gooyeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Buulo Burde.