Ololihii ugu danbeeyay ee musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana soo shaac baxay isbaheysigii ugu horeeyay ee Musharixiinta ka dhex sameysma.
Isbaheysigan oo qaab beeleed loo abaabulay ayaa waxaa musharaxnimadii xilka madaxweynaha ka haray Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo taageeraya Musharaxa kale ee ay isku heybta yihiin ee C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Qorshahan waxaa kasoo shaqeeyay oo qeyb ka ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xildhibaanno ka mida Beesha H/Gidir, wuxuuna bilow u yahay isu guurguurka musharixiinta faraha badan ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2022.
“Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey C/kariin Xuseen Guuleed oo ii tanaasulay si guul looga keeno tartanka doorashada madaxtinnimada. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, xildhibaannada, Senatorrada, odoyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatada hawshaas qaybta ka ahaa” ayuu yiri Musharax C/raxman C/shakuur oo qoraal kooban uga hadlay isbaheysiga cusub.
Musharixiinta kale ee Beeshan, una tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa qaarkood beeniyey inay qeyb ka yihiin isbaheysiga cusub ee ay dhisteen C/kariin Guuleed iyo C/raxmaan C/shakuur, inkastoo ay siyaasiyiinta beesha culeys ku saareen.
Lama oga waxa uu C/kariin Xuseen Guuleed ku kordhin karo Musharax C/raxmaan C/shakuur, iyadoo labada musharaxba aysan ka mid ahayn musharixiinta ugu cadcad tartanka Madaxweynaha ee loo saadaalinayo xilka, laakiin C/kariin Guuleed oo ka go’ay Damjadiid iyo kooxda Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh ayaa ku fiican ololaha doorashada.
Waxaa kaloo xiiso leh in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor oo hore u dhisayey dib u doorashada Maxamed Farmaajo uu hadda hoggaaminayo dadaalka ay beeshiisa ku dooneyso inay hal musharax ku midowdo si ay u hanato xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkii 2000 ay ugu danbeysay.

