Shirkii shalay kusoo dhammaaday magaalada Muqdisho ee loogu magac daray shirka koowaad ee Madasha Wadatashiga Qaran si kastoo intii ku jirtay ee isku tilmaantay ergada isku raaceen go’aano 10 ah haddana wuxuu ergadani sameysay muuqaal hordhac ah oo muujinaya sida ay noqon doonto dowladda tan xigta ee la sugayo 2016 kadib.
Shirka iyo ergadiisa waxaan boos ku lahayn oo bannaanka ka taagnaa maamulada iyo kooxaha soo socda:
- Maamulka Ahlu suna ee Goboladda Dhexe ( oo u muuqda in Galmudug ay meteleyso, balse caddeeyay inuusam wax shaqo ah ku lahayn shirkaasi wixii kasoo baxaya aanay quseyn-Akhi warkan )
- Maamulka Khaatumo satate (oo isna ku dhex qarsoon Puntland, waan maamul ku dhex wiiqmay Somaliland iyo Puntland)
- Bulshada rayidka ah oo gebi ahaanba aan laga tegin balse noqotay bulsho rayid oo ay kala wataan maamulada dalka ka jira
- Baarlamaanka Federaalka oo kaalintiisii ay mugdi gashay
- Somaliland oo gees taagan, balse iyada arrinteeda waxaa la sheegay in beelaha dega goboladaasi ay ka qeyb galaan
- Kooxda Alshabaab oo xal aan dagaal loo waayay
Xaalada kala guurka ah ee Soomaaliya fooda gelineyso waxay tahay mid xasaasi ah oo weli aan la ogeyn sida ay ku dhammaan doonto iyadoo weli jid la baadi goobayo halka geediga siyaasadeed laga furayo 2016 ayaa haddana ifafaalaha soo baxay wuxuu caddeyn u yahay inaanu jiri doonin isbedel weyn.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]