Shir degdeg ahaa oo ay maanta Magaalada Kismaayo ku yeesheen Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada maamulka Jubba ayaa looga hadlay xaaladda Mooshinka horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee looga soo horjeedo dhismaha Baarlamaanka Jubba, waxaana dood dheer kadib shirkaasi oo uu guddoominayay hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba laga soo saaray qodobada soo socda:
1- Haddii aan la joojinin mooshinka sharci darrada ah inuu maamulka Jubba kalsoonida kala noqon doono dowladda Federaalka Soomaaliya
2- Haddii Amniga Dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed uu khalkhal galo waxaa mas’uuliyadda arrintaasi qaadayso Dowladda Fedeaalka.
3- In xubnaha dowlada dhexe ku jira ee matala maamulka Jubba ay gebigood kasoo baxaan dowladda Federaalka.
4- In dib loo celinayo cid kasta oo metesha Dowladda Federaalka kuna sugan degaanada Jubba.
5-In maamulka Jubba aysan la shaqeen doonin maamulka Koonfur Galbeed inta ay wataan calanka lixda xiddigood leh.
Go’aanadan ayaa ah kuwii ugu adkaa ee uu gaaro maamulka KMG ah ee Jubba, taasoo muujineysa heerka uu marayo Federaalkii kumeelgaarka ahaa oo durba ka awood batay dowladdii dhexe isagoo aanba dhameystirmin. Waxaa Muqdisho weli ka socda kulamo lagu doonayo in lagu baajiyo kulanka iyadoo ay doo dhex galeen madaxda sare ee dowladda oo daqiiqadihii ugu danbeeyay laga war sugayo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]