Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa wareegto uu caawa soo saaray xikii uga qaaday Maareyihii Golaha Murtida iyo Waci-gelinta ee Tiyaatarka Qaranka, isagoo magacaabay maareeye cusub.
Wasiirka ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Tiyaatarka Abwaan C/qadir Cabdi Shube, waxaana markale xilkaasi loo magacaabay oo dib loogu soo celiyay Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure, sida ay faafisay Warbaahinta Dowladda.
Abwaan Guure oo ka mida taageerayaasha waaweyn ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale la wareegaya xilka Maareeyaha Tiyaatarka oo uu ka maqnaa muddo ku dhow 4 sano.
Agaasimaha cusub ee dib loo macaabay ayaa xilka lag aqaadya April 2019, kadib markii idaacadiisa Radio Kumiye ay baahisay war ku saabsanaa in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay inuu bedelo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ay si weyn xilligaas u beenisay madaxtooyada Soomaaliya.
