Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Janaasadii
Taliyihii iyo abaanduulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame.
Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, xildhibaanno iyo wasiiro ayaa ka qeyb galay Salaadii Jinaazada iyo aas Qaran oo loo sameeyay jeneraalada oo shalay ku dhintay qarax ka dhacay degaanka Dhannaane ee Gobolka Sh/Hoose.
Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay cadawga ku baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.





