Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxtooyada Kenya: “Ciidamada Somalia waxay kusoo xadgudbeen Xuduudka & Madax bannaanida dalkeena”

    Madaxtooyada Kenya: “Ciidamada Somalia waxay kusoo xadgudbeen Xuduudka & Madax bannaanida dalkeena”

    March 4, 2020Updated:March 5, 20202 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Afhayeenka Madaxtooyada Kenya Kanze Dena-Mararo
    Ahayeenka Madaxtooyada Kenya Kanze Dena-Mararo
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Kenya ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ku xadgudubtay xuduudka dalkooda iyo madax Bannaanideeda, kadib markii Isniintii 2-da Bishan ay ciidamada Somalia gudaha u galeen Magaalada Mandhera ayna waxyeelo u geysteen muwaadiniin Kenya.

    Qoraalka Madaxtooyada Kenya oo ay ku saxiixneyd afhayeenka Madaxtooyada Kenya Kanze Dena-Mararo ayaa lagu sheegtay in maanta oo Arbaco ah 4-ta March 2020, uu dhacay kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaasoo uu guddoomiyey madaxweyne Uhuru Kenyatta, loogana hadlay Warkii 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya; Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; Iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madax bannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March 2020-ka.

    “Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xadgudubka ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya 2-dii bishan March 2020 u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya; halkaasoo ciidamada -Soomaalida- ajnabiga ah ay ku sameeyeen falal ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada kasoo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee caddaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madaxtooyada Kenya kasoo baxay ee lagu faafiyey Boogga Madaxtooyada Kenya ee Uhuru Kenyatta.

    Kenya ayaa sheegtay in aysan wax jawaab ah ka bixinin ficilladaas ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, taas baddalkeedana ay is xakameysay iyadoo eegeysa xiriirka soo jireenka ah ee dhaqanka iyo nabad ilaalinta ee u dhaxeeya labada dal.

    War -saxaafadeedka Madaxtooyada Kenya ayaa sidoo kale lagu soo daray warkii jawaabta ahaa ee dhowaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya oo loogu jawaabay eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya oo ahaa in dowladda Kenya si joogto ah u waddo xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya.

    Kenya Kenya-Somalia Top Uhuru Kenyatta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJubbaland oo joojisay ka qeybgalka Shirarkii Maaliyadda & Deyn Cafinta Dowladda Federaalka & Maamul Gob..
    Next Article Cudurka Coronavirus oo ku faafay 80 dal & Digniin laga bixiyey inuu faraha ka baxo. (Akhriso Liiska dalalka uu gaaray)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo