Wararka laga heleyo magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay goor dhoweyd halkaasi gaareen wafdi ka socda maamulka Hirshabeelle iyo AMISOM.
Wafdiga waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, waxaana ku wehliya taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabuuti, iyadoo ay halkaasi kusoo dhoweeyeen madaxda maamulka iyo saraakiisha ciidamada. Guddoomiyaha Hiiraan ayaa ka horeeyy wafdiga oo tegay Buuloburte.
Wararka ayaa sheegya in socdaalkani la xiriiro dil shalay ka dhacay magaalada oo lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamda Jabuuri ee AMISOM ee ka howlgala magaalada Buuloburte.
Kala shaki iyo xaalad kacsan ayaa magaalada laga dareemay kadib markii la sheegay in askriga Jabuutiyaanka uu dilay askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Wadani.com