Tuesday, May 13, 2025

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo heshiis qarsoodi ah galay (Muxuu yahay heshiiska?)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa heshiis qarsoodi ah oo ku gaaray garoonka diyaaradaha magaalada  Muqdisho, kulan ay labada nin isku keliyeysteen ayaa ku saabsanaa sidii loo wajihi lahaa is mariwaaga ka jira mooshinka ka yaala baarlamaanka Ra’iisal wasaaraha.

MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA
MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA

Heshiiskan ayuu madaxweynuhu ugu balan qaaday Prof. Jawaari in arrinta maamulka Gobolada Koonfur Galbeed qeybtiisa ka heli doono isla markaana uu heshiisiin doono isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xurguf siyaasadeed oo weyn ka dhaxeysay, waxaana taa bedelkeed  Guddoomiyaha Barlamaanku u balanqaaday madaxweynahainuu dedejiyo mooshinka ka yaala ra’iisal wasaaraha isla markaana xildhibaankii is hortaaga uu amar ku bixiyo in dibadda loo saaro.

Heshiiskan ayaa soo baxaya kadib markii labada mas’uul ay  maandhaafeen maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana jirtay in xildhibaanada taageersan madaxweynaha ay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu xilkiisa gudan waayay, kuna hanjabeen inay mooshin laftiisa ka keenayaan.

Ad

Jawaari ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu shirka baarlamaanka furi doono Isniinta, ciddii ka hor timaadana tallaabo laga qaadi doono.

 

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON