Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in doorashada Erdogan dib loogu doortay madaxweynaha Turkiga ay tahay mid taariikhi ah, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna ay ugu hambalyeynayaan guusha uu gaaray madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mid ahaa madaxda caalamka ee hambalyada u diray Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu yahay dal iskaashi weyn la leh Soomaaliya.
Madaxda hambalyda u dirtay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaa ugu horeeyay Amiirka dalka Qatar, madaxweynaha Falastiin, Amiirka Kuwait iyo madax kale.