Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka saddexaad ee Afrika iyo India oo ka dhacaya New Delhi, waxaana uu wafdi uu hogaaminayo maanta gaaray magaalada New Delhi ee dalka India.
Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale , ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada New Delhi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda India iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhida India Ebyan Saalax.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya dalalka qaaradda Afrika, waan kii saddexaad ee noociis ah uyadoo looga hadlayo iskaashiga dalalka Afrika iyo India oo ah dal weyn oo dhaqaale ahaan soo koraya.
Soomaaliya ayay u tahay markii ugu horeysay ee heer madaxweyne ay uga qeyb gasho shirkan, waxaana hore madaxweyne Xasan Sheekh u tegay dalka Jaban oo uu uga qeyb galay shirkii Afrika iyo Japan.
Wadani.com