Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweynaha: “Waxba kama jiraanisku shaandheynta Ra’iisal wasaaraha”

    Madaxweynaha: “Waxba kama jiraanisku shaandheynta Ra’iisal wasaaraha”

    October 25, 2014Updated:October 26, 20143 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa “waxba kama jiraan” ku tilmaamay isku shaandheynta uu maanta  25 Oktoobar ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed, taasoo saameyn ku yeelatay laba wasiiro iyo dhowr wasiiru-dowlayaal iyo ku xigeen oo uu ugu horeeyay wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir oo laga qaaday xilkii wasaaradda loona dhiibay wasaarada Xanaanada xoolaha.

    Qoraalka madaxweynaha caawa soo saaray oo qarxiyay khilaaf cusub oo labada mas’uul soo dhex galay kuna qornaa lahjad adag hoos ka aqri:

    Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa umadda soomaaliyeed iyo madaxda dawladaba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah iyo shuruucda dawliga ahba.

    Waxa kale oo xusid mudan inaan mar walba hoosta ka xariiqo si loo unko qaran Soomaaliyeed inay laga marmaarmaan tahay wada tashi, is maqal, iyo wada shaqeyn joogta ah. Taas oo ku dhisan tixgelinta xurmada, wada shaqeynta, horumarinta nidaamka iyo kala dambeynta dawliga ah.

    Arrimahaas oo dhan, waxay inoo horseedeen inaan maanta dawladnimada Soomaaliyeed aan soo gaarsiinno meel lagu faani karo oo isla xisaabtan ku dhisan. Waxaan diyaarinay barnaamijka siyaaseed ee Higsiga 2016, kaasoo saldhigiisu yahay qoddobbada hoos ku qoran:

    1. Dib U eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka;
    2. Dhisidda maamul goboleedyo federaali ah iyo
    3. Dimoqraadiyeynta dalka, oo ku salaysan doorasho xor ah, Sanadka 2016.

    Waxaa sidoo kale guulo wax ku ool ah laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah kooxaha xag jirka ah, iyada oo sida la wada og-yahay dib loogu soo celiyay gacanta dawladda gobollo badan oo ay Al-Shabaab horey uga talin jireen, oo ay ugu dambeysay guushii laga soo hooyey xorreynta degmada Baraawe.

    Waxaa guulo la taaban karo laga gaaray dib u dhiska kaabayaasha hay’adaha dowladda. Waxaa kale oo guulo lataaban karo laga gaaray maamul u samaynta gobollada intooda badan. Waxa fooda inagu soo haya u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee lagu qaban doono Copenhagen, kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

    [blockquote style=”3″]Waxaase nasiib darro weyn ah, in iyada oo ay na horyaalaan dhamaystirka barnaamijyada kur ku xusan, iyo weliba ansixinta hindise sharciyeydyada muhiimka u ah dawlad dhisidda, in Raisul Wasaarahu si isdabajoog ah usoo saaro go,aano tashwiish ku abuuraya geedi socodka dawlnimada iyo wada shaqaeynta hayaadaha dawliga ah.[/blockquote]

    Waxaan dhawr jeer, aniga oo eegaya danta guud u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Waxaan si kooban u xusi karaa:

    1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro asaga oo aan wax wada tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga;
    2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka.

    Ugu dambeyntii, maanta wuxuu ku dhawaaqay waxa uu ku sheegay isku shaandeyn Wasiirro isagoo aan wax wada tashi ah la samayn Madaxweynaha Jamhuuriyada.

    Sidaas darteed, aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, quwaaniinta iyo shuruucda dalka u deg san, waxaan go,aamiyey:

    [blockquote style=”1″]1. Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;

    2. In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014

    3. In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda; 1. In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.[/blockquote]

    –Dhamaad—

    khilaaf Madaxweynaha Ra'iisal wasaare
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaaraha oo isku shaandheyn la yaab leh ku sameeyay Golaha wasiirada
    Next Article Maxaad ka ogtahay Shirkadaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya?

    Related Posts

    Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

    November 3, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    Madaxda Dalalka Somaliya, Masar iyo Eritrea oo ku shirsan Asmara iyo Isbaheysi cusub..

    October 10, 2024

    Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

    September 7, 2024

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii Ergaynimo ka xayuubiyay Xildhibaan taageeray Itoobiya

    September 1, 2024

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeneraal caan ah u magacawday La-taliye cusub

    August 25, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo