Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ku bogaadiyey muhiimadda ay siiyeen xasilloonida, nabadda iyo ilaalinta daris wanaagga.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay joogaan wakhtigii ay gacmaha is-qabsan lahaayeen, xoojinna lahaayeen iskaashiga, horumarka iyo xasilloonida.
Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku saleysan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada shacab ee dhaqan iyo dhalasho wadaaga