Geerida Boqor Cabdalla oo dib u dhigtay socdaalkii Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo la filayay inuu maanta oo jimce ah booqasho taariikhi ah ku yimaado magaalada Muqdisho ayaa ka baaqsaday safarkaasi, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya ay shaacisay in arrintaasi ay timid kadib markii uu xalay geeriyooday boqorkii Sacuudiga Cabdalla Bin C/casiis.
Afhayeenka madaxtooyda Daud Aweys ayaa war kooban oo ku saasban baaqashada wafdiga madaxweynaha Turkiga soo saaray, wuxuuna sheegay in madaxweynaha Turkiga uu booqon doono Muqdisho. Lama sheegin goorta uu iman doono iyo faahfaahin kale midna.
Xaalada Muqdisho ayaa ahayd mid bandow ah oo si weyn loogu diyaar garoobay socdaalka Ordogan, magaaladana lagu xardhay calamada labada dal, wafdi hordhac ah iyo ciidamo Turki ah ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyagoo u gogol xaaraya socdaalka madaxweynaha Turkiga.
Madax badan oo dunida ah ayaa ka qeyb galaya aaska boqorkii Sacuudiga oo la filayo inuu ka dhaco galabta magaalada Riyaad. Janaasada ayaa la shaaciyay in lagula dukan doono Masjidka Imaam Turki Ibnu Cabdallah kadib salaada casir.
Hogaamiyeyaasha ka qeyb galaya aaska Boqorkii Sacuudiga ayaa bilaabay inay gaaraan dalka Sacuudiga, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan madaxda ka qeyb galeysa aaskaasi.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]