Mac-hadka Cilmi Baarista ee Heritage ayaa sheegay in Kulanka Madasha Aragti Wadaaga ee Soomaalida oo ka dhacaya Garowe, caasimadda Puntland lagu casuumay madaxda dowladda Soomaaliya.
Agaasimaha Mac-hadka Heritage C/rashiid Xaashi ayaa sheegay in Madasha ay ku casuumeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, balse aysan u suuragelin inay kasoo qeyb galaan, waxaase ka qeyb geli doona Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.
Madasha sanadkan oo u muuqata bandhig siyaasiyiin ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka, madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Ra’isial wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mida musharixiinta madaxweynaha.
Waxaa kaloo Madasha Heritage ka qeyb galaan madaxweynayaasha saddexda maamul Goboleed ee Galmudug, Jubbaland iyo Puntland oo mari loo yahay, iyadoo uu socon doono muddo saddex maalmood ah.
