Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war uu ka soo saaray qaraxyadii magaalada Baydhaba ka dhacay wuxuu faray Xukuumadda inay si degdeg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dadka ku dhaawacmay Qaraxyadii Alshabaab ee ka dhacay magaalada Baydhabo.
“Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Alshabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya
Warka kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dambeeyay markii guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu war degdeg ah kasoo saaray qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba.