Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Farmaajo oo booqday Warshadda Lacagta sameysa ee dalka Suudaan [Sawirro]

    Madaxweyne Farmaajo oo booqday Warshadda Lacagta sameysa ee dalka Suudaan [Sawirro]

    October 6, 20172 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khartuum, 6 Oktoobar, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan, iyaga oo dhabbaha u xaaray heshiisyo taariikhi ah oo ay wada saxiixdeen labada dowladood.

    Madaxweynaha dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara Soomaaliya iyo Suudaan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado xiriirka ka dhexeeya wadamada Geeska Afrika.

    “Mudane Madaxweyne, muddo labo maalmood ah oo aad nala joogteen aad bay noo farxad galisay. Maanta baahi wayn ayaan u qabnaa in aan garabkeenna ka aragno Soomaaliya oo midaysan, horumarsan oo awood leh, waana naga go’antahay in aan garab idinku siinno.”

    Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo shacabka Suudaan sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey kaalinta Suudaan ay ka qaadatay waxbarashada ardayda iyo tayeynta laamaha ammaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan ku xaqiijinaaya Mudane Madaxweyne in higsigeenna ku aaddan iskaashiga iyo horumarka uu mira dhal u muuqda, haddii aan Alle kaashanno, kana dhabayno qorsheyaasha aan hiigsaneyno.”

    Intaas kaddib, Wasiirada labada dowladood ee wada xaajoodka ka qayb galay waxa ay heshiisyo ku kala saxiixdeen xarumaha Wasaaradaha Dowladda Suudaan. Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Suudaan.

    Fulintan heshiisyadan ayaa waxaa loo xilsaaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah. Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo markii uu soo bilowday xiriirka labada dawladood.

    Dhanke kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa galinkii hore kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.

    Farmajo Somali Sudan Suudaan Top Warshadda lacagta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMa Habboon tahay in Lacag Cusub lasoo Daabaco Waqtigan..? [Guddoomiyihii Bankiga Ganacsiga Somalia]
    Next Article DAAWO: Cilad ku timid Jaranjarradii uu ku degi lahaa Boqor Salmaan oo Qaraaxo ka dhalisay Ruushka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo