Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka tegay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi kula kulmaya Wafdi ka socda dowladda Mareykanka.
Wafdigan oo la sheegay inay isugu jiraan Wasaaradda Difaaca, Taliska AFRICOM iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda dibadda ayaa imaanshahooda Muqdish kusoo beegmay iyadoo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay xalay digniin kasoo saartay musuq iyo qaraabo-kiil ka dhex jira Hay’adaha Amniga dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ay kulanka ku wehliyaan xubno ka mida La- Taliyeyaasha arrimaha Amniga iyo Doorashooyinka, waxayna warar xogogaal ahi sheegayaan in wafdiga Mareykanka ay Madaxweyne Farmaajo kala hadlayaan arrimaha Doorashooyinka, iyo magacaabid la’aanta Ra’iisal wasaaraha oo saameyn ku yeelatay arrimaha ciidamada markii a xoogeysteen falalka magaaabidda iyo shaqo ka saarista saraakiil muhiim ahaa.
Kalsoonida Mareykanka ku qabay dib u dhiska ciidamada ayaa dib u soo laabatay markii uu howlaah ciidamada la wareegay ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana muddo 45maalmood gudahood ah dhacday falal gaaray inuu Mareykanka qeylo dhaan ka soo saaro arrintan markii ay faragelin ku sameyeen mas’uuliyiin adeegsanaya awoodda Madaxweynaha.