Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waqitigii ugu danbeeyay joojiyey inuu ka qeyb galo, soona gabagabeeyo shirkii Madasha Iskaashiga Somalia ‘Somali Parternership Forum’ oo shalay iyo maanta ka socday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku qornaa ajandaha shirka, isagoo loo qorsheeyay inuu soo gabagabeeyo shirka caalamiga ahaa oo ay kasoo qeyb galeen wakiilada ku dhowaad 50 dal, balse waxaa xiritaanka shirka ka baaqsaday Madaxweyne Farmaajo sababo aan la sheegin dartood, waxaana madaxweynaha bedelkiisa shirkii soo gabagabeeyay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta guddoominayey howlaha shirka.
Shirka oo warmurtiyeed laga soo saaray ayaa intiisa badan looga hadlay tubtaha xukuumadda ee siyaasadda loo dhanyahay, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo amniga iyo caddaaladda, waxaana la tilmaamay wadashaqeynta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada..
Xasan Cali Khayre ayaa ku dooday oo shirka ka sheegay in wadashaqeynta madaxda dalka ay horseedday in horumar laga gaaro isbedelka, xasiloonida, dowladnimada iyo ajandaha dib-u-qaabeynta ee sida wadajirka ah ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee caalamka, kuwaas ee soo celisay rajada ummadda Soomaaliyeeed.