Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kashifay sababta uu xilka Ra’iisal wasaaraha ugu magacaabay Xasan Cali Kheyre.
Isagoo ka hadlayay intii aan u dalka ka dhoofin ayuu madaxweyne Farmaajo ku ceceliyay inuu Xasan Cali Kheyre yahay nin uu la shaqeyn karo, taasoo ah sababta ugu weyn ee uu xilka ugu dhiibay.
Farmaajo ayaa wax badan ka digtoonaa inuu ka hortago khilaafka ragaadiyay dowladihii hore oo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay isku dhac joogto ah ku soo jireen.
Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ka Codsaday in ay si Deg deg ah ku ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Oo uu magacaabay Magacaabay.
Madaxweyne Farmaaho ayaa faray Ra’iisal wasaaraha cusub inuu muddo kooban oo 15 maalmood ah ku soo magacaabo xukuumad cusub oo dalka wax u qaban karta, isla markaana aanu waqti badan lumin.
Wadani.net