Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria u soo magacaabeen Soomaaliya.
Danjiraha dalka India Mudane Rahul Chhabra oo Madaxweynaha siday farriin iyo salaan uu ka siday Ra’iisal Wasaaraha India Narendra Modi, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay .
Sidoo kale Danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magacawday Soomaaliya Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha isna waraaqihiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale la guddoomay farriin uu uga siday madaxweynaha Nayjereiya Muhamodu Buhari.
Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.









![Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Safiiradda cusub ee dalalka India & Nigeria [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2019/02/Farmajo-India-Amb.jpg)