Madaxtooyada Soomaaliya ayaa difaacday safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegayo dalka Kenya, iyadoo sheegtay inuu magaalada Nairobi uga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.
Qoraal ay baahisay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirkan uu soo qabanqaabiyey Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA), iyadoo lagu jaangooynayo qorsheyaashahinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.
Safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka Kenya oo shaki badan dhaliyey ayaa yimid iyadoo xiriirka labada da uu marayo heerkii ugu hooseeyay, isla markaana dowladaha Somalia iyo Kenya ay ka dhaxeyso dacwadda xuduudka badda,waxaana hore u soo baxay warar ku saabsan heshiis hoose oo dhex maraya labada dal si arrinta Badda loogu dhammeeyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ.
Madaxweynayaasha Kenya iyo Somalia ayaa kulamo ku yeeshay shir kasta oo ay isugu yimaadaan, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliyana ay joogto u beeniso in laga wadahadlay arrimaha Badda. Waxayna xukuumadda Soomaaliya hore u qaadatay tallaabooyin ay shirarkii arrimaha Somalia ee ka dhici jiray magaalada Nairobi ugu wareejisay Addis ababa.
Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade).